Daawo: Madaxweyne Xasan oo Addis Ababa u tegay sameynta isbaheysi cusub

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaas uga qayb gelaya shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxay ka arrinsanayaan dib u habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni.

 Madaxda seddaxda dalka ayaa shirkaas ku gorfeyn doona xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Sidoo kale dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol ayey dowladda Soomaaliya ku soo bandhigi doontaa shirkaas.

Isbaheysigaan cusub ee seddaxda dal ay yeelanayaan ayaa hadda bilow ah, waxaana laga war sugayaa sida ay u hir-geliyaan iskaashi u gaar ah oo ay sameystaan.

Horay Soomaaliya waxay iskaashi seddax geesood ah sidaan oo kale ula sameysatay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, balse wuxuu isbaheysigaas meesha ka baxay, markii uu xukunka Soomaaliya wareejiyey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hoos ka daawo soo dhaweyntii wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya