Ciidanka xoogga oo galabta Al-Shabaab ka xoreeyey deegaan kale oo muhiim ah

Galcad (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka ayaa galabta kooxda Al-Shabaab kala wareegay tuulada Ceel-Cali Xasan oo hoos tagta magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaasha guutooyinka 3-aad iyo 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Saney Cabdulle iyo Ibraahim Yuusuf ayaa hoggaaminaya howlgalka galabta lagu xoreeyey deegaankaas cusub.

Saraakiisha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada ay miinooyin badan ka bixiyeen jidka xariiriya tuulada ay qabteen ee Ceel-Cali Xasan iyo deegaanadii ay horay uga xoreeyeen kooxda.

“Khawaarijta oo u adkeeysan waysay cududa ciidanka xooga dalka iyo dadka deegaanka ayaa baneeyay in ka badan 20 fariisin oo ay ku la haayeen deegaanada hoos taga magaalada Galcad,” ayaa laga soo xigtay saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Howlgalka lagu xoreeynayo deegaanadaas ka tirsan gobolka Galgaduud waxaa qayb ka ah Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, Senator Axmed Maxamed Cali Afcadeey iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Sida ay saraakiil ka tirsan Gor Gor u xaqiijiyeen Caasimada Online ciidanka ayaa maanta gudaha u galay degaanka Budbud oo ah deegaan istaraatiiji ah, isla markaana hoos taga degmada Ceeldheer.

Balse ciidanka ayaa isla maanta ka soo laabtay deegaankaas, wax iska caabin ah ciidanku kalama kulmin Shabaab-kii ka cararay Budbud, balse waxay saraakiishu noo sheegeen in xeelad ciidan ay markii dambe uga soo baxeen deegaankaas.

Berri oo Sabti ah ayaa la qorsheynayaa in duulaan kale lagu qaado Budbud, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen, wuxuuna deegaankaan muhiim u yahay howlgalka xoreynta ah ee Galgaduud ka socda.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howlgalkaan ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay Shabaab sii baacsadaan ilaa degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur.