Ergo ka socota Farmaajo oo kulan la leh wakiilada beesha caalamka ee Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro taabacsan iyo la taliyeyaal ergo ka ah Farmaajo ayaa hadda kulamo ku leh xerada Xalane Wakiilada Beesha Caalamka, ayaga oo kala hadlaya qaraarkii uu Golaha Shacabka muddo kororsiga ugu sameeyey Farmaajo.

Kooxda Wasiirada iyo La-taliyeyaasha isugu jira ayaa wakiilada beesha caalamka ka dhaadhicinaya in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uusan ka dambeeyen tallaabada uu qaaday Golaha Shacabka, sida ay xubno ku sugan xerada Xalane u sheegen Caasimada Online.

Wasiirada iyo La-taliyeyaasha ayaa loo kala diray dhowr Safiir oo kulamo la yeelanayaan, si ay xaalada u dejiyaan, sidoo kale suuq-geyn ugu sameeyaan Farmaajo, kadiba hanjabaadihii cuslaa ee kasoo baxay dalalka beesha caalamka.

Kooxdaan ayaa ku andacoonaysa in go’aanka Baarlamaanka gaaray u yahay mid awoodda shacabka loogu dhoweynayo, islamarkaana uu ku raacay madaxweynaha, oo markii hore rabay inuu dalka gaarsiiyo doorasho ku sheegta ‘qof iyo cod’.

Si kastaba, doodda Farmaajo ee ah inaanu muddo kordhinta shaqo ku laheyn ayaa waxaa diidaya xaqiiqda ah inuu sharciga saxiixay, weliba ayada oo beesha caalamka ay digniino xooggan direysay oo ku aadan inaanu saxiixin.

Waxaa sidoo kale wakiilada beesha caalamka ay rumeysan yihiin in Farmaajo uu ka dambeeyey in sharcigan la horgeeyo baarlamanka, oo uu gadaal ka riixay, islamarkaana uu ka baxay wada-hadalladii uu Afisyoone kula lahaa madaxda mamaul goboleedyada, xilli ay fadhiyaan.

Tallaabadan uu qaaday Farmaajo ayaa imaneysa xili ay Beesha Caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka ay xalay ku hanjabeen inay qaadi doonaan tallaabooyin hor leh oo lagu ciqaabayo mas’uuliyiintii ka dambeeyay muddo kororsiga.

Sidoo kale dalalkaas ayaa si cad u sheegay inay ka fiirsanayaan xiriirka Soomaaliya iyo caawimaada ay siiyaan dowladda Federaalka, kuwaasi oo ugu goodiyay cunaqabateyn, xayiraado safar iyo tallaabooyin kale.

Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in beesha caalamka ay cunaqabatayn ugu goodisay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee waqtiga ka dhamaaday Maxamed Mursal Sheekh Craxmaan iyo labadiisa ku xigeen Cabdiweli Ibraahim Muudey, iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Afartan mas’uul ayaa loogu goodiyay in la saari doono cunaqabateyn islamarkaana laga xayiri doono safarada dibedda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale madaxdaan ayaa loogu goodiyay in sidoo kale qoysaskooda la saari doono cunaqabateynta.

Madaxda sarre ee waqtigoodu dhamaaday ayaa wajahaya culeys uga imaanaya Beesha caalamka oo ayagu ka hor-imaaday muddo kororsiga uu dhawaan sameeyay Baarlamaanku, waxaana la filayaa inay dhowaan soo saaraan go’aan qaraar oo ku aadan xaaladda Soomaaliya, kaas oo aad loo dhowrayo tan iyo markii ay Golaha shacabka go’aanka gaareen.