Qarax ay ku la’adeen dad badan oo SHACAB ah oo ka dhacay deegaanka Gololey

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in qarax uu qabsaday baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah, xili uu marayey nawaaxiga tuulada Gololey, oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Balcad.

Sida ay ilo-wareedyo deegaanka ah u sheegen Caasimada Online, baabuurkaan ayaa waxa uu siday dad ka badan 24 qof, oo 15 ka mid ah ay ku dhinteen qaraxa miino, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, waxaana ka bad-baaday oo keliya 4 qof.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhaawacyadii loo soo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halkaasi oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Ma aha markii u horeysay ee deegaanka Gololey uu ka dhaco qaraxyo ka dhashay miinooyin dhulka lagu aasay, kuwaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga iyo baaburta rayidka ah intaba.

Mas’uuliyada qaraxyada noocan ah ayaa inta badan waxaa sheegta kooxda Al-Shabaab oo dagaal xoogan kula jirta madaxda dowladda iyo ciidamada xooga dalka.