Farmajao awood sharci ah ma u leeyahay darajo ka xayuubinta Saadaq Joon?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu xeer madaxweyne darajadii ciidanka kaga xayuubiyey Taliyihii Booliska gobolka Banaadir Sareeye Guuto Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Saadaq Cumar ka xayuubiyay wixii xaquuq ah oo uu kula ciidanka Soomaaliya.

Xilka qaadista, daraja iyo xuquuq ka xayuubinta ayaa timid kadib markii uu Generaal Saadaq Joon sheegay in uu joojiyey kulankii Isniitii loo balansanaa ee Golaha Shacabka, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista mooshin la xiriira doorashooyinka.

Hadaba Madaxweyne Farmaajo xil ka xayuubin ma samayn karaa?

Golaha Midowga Musharixiinta iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa sheegay in aan madaxweyne Farmaajo xil ka qaadis iyo magacaabis samayn karin, maadaama uu dhamaaday, sida ay yiraahdeen mudo xileedkiisa sharciga ah oo ku ekaa Fabruary 8, 2021.

Senetar Abshir Maxamed Axmed, gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare BFS ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan waddo sharci ah u marin tallaabada uu qaaday ee ka dhanka ah Saadaq, wuxuuna soo qaatay dhowrka qodob:-

“1. Taliyaha Ciidanka Boliiska waa in uu magacaabaa guddi anshax oo baara kiiska sarkaalka (waxaa ku jirto in sarkaalka la dhageysto) kana soo talo bixiya tallaabada laga qaadi karo.”

“2. Guddiga waa in uu ku jira ugu yaraan hal sarkaal sare iyo saraakiil kale.3. Tallaabada ay soo jeediyaan ayaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu ugu soo saaro Xeer Madaxweyne. Haddii tallaabadaasi ay tahay ka-saarista Ciidanka, waa in uu soo jeediyaa Wasiirka Amniga Gudaha.”

Sidoo kale xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo qaatay xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida, wuxuuna yiir:

“Sida ku cad Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida qodobada 21aad, 22aad, 23aad iyo 24aad Sharci Lr.2 ee soo baxay 1963 waxaa sarkaal derajo ka qaadis ciidan, shaqo ka joojin ama laalid derajada lagu sameyn karaa marka maxkamadda ciidamada qalabka-sida ay ku caddeeyso danbi, xukunna ku dhaco.”

Ma’ahan Markii ugu horaysay.

Sep 8, 2018, ayaa warqad uu ku saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa darajadii ciidan looga xayuubiyay Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo horay u soo noqday taliye xigeenka hay’adda NISA.

Waqradaasi oo isla xilligaasi dhaqan gashay ayaa Cabdalla Cabdalla gabi ahaanba waxa looga saaray xubinimadiisa hay’adda NISA.