Ergo ka soo jeeda Jubbooyinka oo ku biiraya shirka ka socda Baydhaba

Kismaayo (Caasimada Online) Ergooyin ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka ayaa sheegay in ay ku biiri doonaan shirka ka socda magaalada Baydhabo halkaasoo iminka uu ka socdo shir looga hadlaayo maamul cusub oo loo sameeyo gobalada Koonfur Galbeed.

Maxamed Jaamac Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka ayaa sheegay in ay ku biiri doonaan shirka Baydhabo “Maadama looga hadlaayo masiirka gobaladaas” ayuu yiri.

“Annoo ku hadlay magaca Jubbooyinka kana mid ah dadka ka soo jeeda waxaan rabnaa in aan ka qaybaglo shirkaas maadama uu yahay shir muhiim ah” ayuu yiri isagoo la hadlayay Idaacad ku taalla Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo ergo ka soo jeeda Jubbooyinka ay sheegaan in ay ka qaybgali doonaan shirka ka socda magaalada Baydhabo, waxaana horre shirka ugu biiray ergo ka socda gobalka Gedo.

Shirka Baydhabo ayaa la sheegay in maamul loogu sameen doono gobalada Baay, Bakool, Shabellaha Hoose, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. balse arrintaas waxaa diiddan xildhibaanno uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasiimada@live.com