Doorashada maamulka P/LAND oo laga deyrinaayo iyo cabsi jirta, “Sabab?”

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa laga deyrinayaa doorashada madaxweyninimada maamulka Puntland, kaddib markii ay soo kordheen weerarada lagu qaaday musharrixiinta.

Habeenkii xaley ayaa gurri uu dagan yahay musharraxa Cali Xaaji Warsame waxaa weerar ku qaaday ciidamada badda ee Puntland oo ka amar qaata madaxtooyada Garoowe.

Cali Xaaji oo la hadlay VOA ayaa sheegay ilaaladiisa iyo ciidamada badda ay is rasaaseeyeen, isagoona intaas ku daray in wax khasaaro ah aysan ka dhalan sida uu hadalka u dhigay.

“Waa arrin ayaan daro ah in ciidamo gaar ah ay ammaanka magaalada la wareegaan, waxaa lagu heshiiyay im ammaanka doorashada ay suganaan ciidamo uu maamulo Gen Saciid dheere, mana ahan ciidamada madaxtooyada iyo kuwa badda ay baaraan dadka u socda musharrixiinta mana ahan arrin qurux badan” ayuu yiri.

Wuxuu madaxweyne Faroole ku eedeeyay in uu doonayo siddii uu ka salaxan lahaa doorashada isagoo xoog isticmaalaya.

Si kastaba, waa weerarkii labaad oo ciidamada ka amar qaata madaxweyne Faroole ay weerar ku qaadaan musharrixiinta u taagan doorashada Puntland.

Goor horre oo maanta ayaa ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay wuxuu ugu baaqay musharraxiinta u tartamaya xilka madaxtinnimo ee Puntland iyo odayaasha dhaqanka inay si wada-jir ah u wada shaqeeyaan iyo muddadii loogu talagalay doorashada in ay ku dhacdo.

Ma cadda sida uu xaalka noqon karo iyadoo khilaafka musharrixiinta iyo madaxweyne Faroole uu cirkaas maraayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasiimada@live.com