Ergooyinka BEESHA SACAD oo ka baxay shirka Cadaado & Qeybdiid oo qaati laga taagan yahay

Cadaado (Caasimada Online) – Mahdi Cabdulle oo kamid ah Ergooyinka ku sugan Magaalada Cadaado ayaa sheegay in hoolka shirka ay isaga baxeen Ergooyinkii u matalaayay Beesha Sacad.

Waxa uu sheegay in arrintaasi ay timid kadib markii Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ”Qeybdiid” uu si awood ah Hoolka shirka uga saaray mid kamid ah Ergooyinka Beesha Sacad waxa uuna xubintaasi ku bedelay Odaydhaqmeed uu isaga watay.

Mahdi ayaa intaa hadalkiisa raaciyay in Xubnihii kale ee Beesha Sacad uga jiray shirka ay iyaguna faarujiyeen Hoolka kadib markii ay ka danqadeen ficilada uu ku kacay Qeybdiid.

“Shirka Cadaado waxa uu ka socon la’ yahay C/qeybdiid iyo xubno kale. waxa uu hoolka la yimid isagoo gacanta kawada Odaydhaqmeed uu sheegay in lagu bedelay Oday kale oo kamid ahaa Ergooyinka waxaana taasi ka xumaaday Ergooyinkii kale ee beesha u mataleysay shirka oo faragalintaasi ka carooday”

Waxa uu tilmaamay in DF Somalia ay wax muuqda ka qaban la’ dahay Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale oo uu ku tilmaamay inuu yahay mas’uul u tafa-xeydanaayo fashilinta shirka Cadaado.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa cabsi laga qabaa inuu fashil ku yimaado shirka Cadaado oo isagu nasiib u yeeshay gacmo badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com