Jubbaland oo u jawaabtay Shariif Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Jubbaland ayaa jawaab kulul siiyay madaxweynaha maamulka koofur galbeed oo dhawaan ka hadlay arimaha baarlamaanka Jubbaland.

Geele Maxamed Saliid, oo ah ku xigeenka warfaafinta Jubba oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay iney ka xun yihiin hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha koofur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa sheegay iney ka dumaadeen hadalka ahaa in si cadaalad ah loo qeybsan xubnaha baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubbaland oo dhawaan lagu dhameystiray magaaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha koofur galbeed ay kusoo dhaweeyeen magaalada Kismaayo ayna ka fileyn inuu hadalkaasi oo kale uu jeedinayo, sida uu hadalka u dhigay ku xigeenka warfaafinta Jubbaland.

Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa maalin ka hor sheegay inaan cadaalad lagu qeybsan xubnaha baarlamaanka ee maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com