28.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Ergooyinka iyo Musharaxiintii Aqalka Hoose ee B/ Warsangeli Abgaal oo madaxa isla galay & Fashil ku imaaday doorashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Galmudug, ayaa sheegaya in tartankii kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal u maanta u baaqday muran iyo is qab qabsi ka dhex curtay Ergooyinkii dooran lahaa Musharaxiinta Beesha Warsangeli.

Qorshaha ayaa ahaa in Kursiga Beesha Warsangeli la doorto maanta waxa uuna u baaqday Khilaaf soo kala dhexgalay Ergooyinka kaasi oo sababay in dib u dhac uu ku imaado doorashada Beesha.

Khilaafka Ergooyinka ayaa la sheegay inuu sabab u noqday in Ergooyinka qaar ay ka baaqdan doorashada, waxa ayna taasi saameyn ku yeelatay in Musharaxiinta la doorto.

Khilaafka Ergooyin iyo baaqashadooda doorashada ayaa waxaa sabab u ah kadib markii ay ku kala qeybsameen Musharaxiinta, waxaana la sheegayaa in Ergooyinka qaar ay u go’een C/qaadir Cosoble Cali oo kamid ah musharaxiinta.

Loolanka u dhexeeyay Musharaxiinta Beeshaani ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa midka ugu adag waxaana Musharaxiinta kamid ah C/qaadir Cosoble Cali iyo Guddoomiyihii hore ee degmada Yaaqshiid Muxiyadiin Xasan Jurus.

Loolanka Musharaxiintaani ayaa maalmahaani ka socday banaanka, waxa ayna maanta isku arkeen Hoolka uu ka dhacaayo doorashada magaalada Cadaado , waxa uuna Musharax waliba dhaqaale adag ku bixiyay Ergooyinka wax dooranaaya.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in C/qaadir Cosoble uu dhaqaale dheeri ah siiyay Ergooyinkii taageersanaa Musharaxa Guddoomiyihii hore ee degmada Yaaqshiid Muxiyadiin Xasan Jurus.

Sidoo kale, Musharax Muxiyadiin Xasan Jurus ayaa la sheegayaa inuu saluugsan yahay Ergooyinka qaar oo badankood aaday dhinaca C/qaadir Cosoble.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafkaani ka dhex curtay Ergooyinka ay kala wateen labada Musharax ayaa sabab u noqday in Musharaxiintaani ay ka qeybqaadan waayan doorashada la filaayay inay maanta dhacdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News