Asmara (Caasimada Online) — Dowladda Eritrea ayaa si adag u naqdisay eedeymo uga yimid dalka Itoobiya, kuwaas oo ku aaddanaa in ciidammada Eritrea ay qabsadeen dhul ka tirsan Itoobiya isla markaana ay taageero siiyaan kooxo hubeysan, xilli ay ka sii dareyso xiisadda labada dal.
War-saxaafadeed kulul oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Eritrea ayaa lagu tilmaamay sheegashada Addis Ababa mid “been-abuur ah,” iyadoo looga digay wax ay ugu yeertay “olole colaadeed oo is-daba-joog ah” oo loogu talagalay in labada deris dib loogu celiyo loolan iyo dagaal dhiig ku daato.
“Dowladda Eritrea marna dan kama laha, rabitaanna uma qabto inay gasho muran aan micno lahayn oo sii hurinaya xiisadda taagan, xaaladdana sii murjinaya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Asmara.
Beenintan diblomaasiyadeed ayaa soo shaac baxday laba cisho ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, uu warqad cabasho ah u diray dhiggiisa Eritrea, Osman Saleh. Warqaddan ayaa Itoobiya waxay ku eedeysay ciidanka Eritrea “gardarro qaawan.”
Gedion ayaa sheegay in ciidanka Eritrea ay muddo dheer ku sugnaayeen deegaanno xuduudka ku yaalla, isla markaana ay “dhoolatus milateri oo wadajir ah” la sameeyeen kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallama waqooyiga-galbeed ee dalka Itoobiya. Waxa uu dalbaday in ciidammadaas si degdeg ah looga saaro dhulka Itoobiya.
Xiriirka labadan dal ayaa mar kasta ahaa mid isbeddel badan, isagoo ka soo wareegay dagaal ba’an ilaa naban kedis ah, haddana dib ugu soo noqday colaad. Ka dib dagaalkii dhiigga badani ku daatay ee u dhaxeeyay 1998 ilaa 2000—kaas oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 80,000 oo qof—waxaa xigay muddo labaatan sano ah oo “nabad iyo dagaal midna ahayn.”
Sanadkii 2018, markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu aqbalay go’aankii caalamiga ah ee xuduudda, waxaa dhashay rajo nabaddeed oo uu xitaa ku mutaystay abaalmarinta Nobel-ka Nabadda. Labada dal waxay xulufo dhow ahaayeen intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray (2020–2022), halkaas oo ciidanka Eritrea ay garab siiyeen ciidanka federaalka Itoobiya.
Hase yeeshee, xiriirka ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay heshiiskii Pretoria ee bishii November 2022, kaas oo soo afjaray dagaalkii Tigray. Eritrea ayaan qeyb ka ahayn heshiiskaas, waxayna si shaki leh u arkeysay isu-soo-dhowaanshaha Abiy Ahmed iyo hoggaanka Tigrayga.
Loolanka Badda Cas
Xiisadda ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay sannadkii hore markii Abiy Ahmed uu sheegay in Itoobiya ay xaq dabiici ah u leetahay inay marin u hesho Badda Cas, hadalkaas oo Asmara ay u aragtay hanjabaad ka dhan ah madax-bannaanida dekadda Casab.
Itoobiya ayaa weysay marin ay badda u marto markii Eritrea ay madax-bannaanida qaadatay sannadkii 1993-kii.
Xaaladda ka jirta aagga xuduudda ayaa weli ah mid halis ah. Bishii hore, booliska Itoobiya ayaa sheegay inay qabteen kumanaan rasaas ah oo ay sheegeen inay Eritrea u soo dirtay kooxaha kacdoonka wada, eedeyntaas oo Asmara ay ku tilmaantay “qiil loo raadinayo dagaal la maleegayo.”
Waxa kale oo saameyn weyn reebay hadalkii Abiy Ahmed ee toddobaadkii hore, markii uu markii ugu horreysay qirtay in ciidanka Eritrea ay xasuuq ka geysteen magaalada taariikhiga ah ee Aksum intii uu socday dagaalkii Tigray—waa eedeymo ay horay dowladdiisu u dafiri jirtay.
Khubarada gobolka ayaa ka digaya in haddii labadan quwadood ee milateri ay markale isku dhacaan, ay taasi horseedi karto xasillooni darro baahsan oo saameysa guud ahaan Geeska Afrika, oo haddaba la tacaalaya colaadaha ka taagan dalalka deriska ah ee Suudaan iyo Soomaaliya.

