Ethiopia oo Axmed Madoobe ku cadaadineysa 2 arrin oo niyad jab ku ah beesha Ogaadeen (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku sugan madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn waxa ayna kulankooda uga wada hadleen Siyaasada iyo amaanka deegaanada maamulka.

Inta uu kulanka socdaya ayaa waxaa leysla soo hadal qaaday dhismaha maamulka cusub ee Bakool sare oo ay gacan ka geysteen maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyaga oo adeegsanaaya Xildhibaano ka tirsan BFS oo kasoo jeeda Beesha Ogadenia.

Ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn ayaa Axmed Madoobe wax ka weydiiyay kaalinta uu ku leeyahay dhismaha maamulka Bakool sare iyo heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka iminka kala dhexeeya madaxweynaha Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Axmad Madoobe ayaa iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay dhismaha maamulka Bakool sare waxa uuna taa bedelkeeda sheegay in maamulkaasi ay wataan shaqsiyaad gaar ah oo ka tirsan BFS.

Madoobe waxa uu sidoo kale sheegay in lagu soo wargaliyay in Gobolka Bakool laga dhisaayo maamul kamadax-banaan kan Koonfur galbeed ee Somalia, balse uu ka cudur daartay, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn, ayaa Axmed Madoobe u sheegay in dowlada Ethiopia ay heshay xog muujineysa in dhaqaalaha lagu dhisay maamulkaasi ay bixisay Jubbaland, balse loo baahan yahay in xiligaani aan la carqaladeyn amaanka iyo xasiloonida maamulka Koonfur galbeed islamarkaana Jubbaland looga baahan yahay inay ilaaliso daris wanaaga kala dhexeeya maamulada dariska la ah.

Ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn ayaa Axmed Madoobe faray 2 qodob oo kala ah:-

1- Inuu ka shaqeeyo burburinta dhismaha maamulka Bakool sare ee lagu carqaladeynaayo xasiloonida iyo jiritaanka Koonfur galbeed.

2- In Jubbaland ay faraha kala baxdo arrimaha maamulka Koonfur galbeed islamarkaana uu wada hadal degdeg ah la furo Shariif Xassan ka hor inta aan la gaarin shirka wada-tashiga ee la filaayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa kulan ceynkaasi ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia Dr.Tedros Adhanom oo ay kawada hadleen ciidamada ka socda Ethiopia ee la filaayo in dhawaan loo daabulo magaalada Kismaayo gaar ahaan Dekada iyo Madaxtooyada maamulka.

Labada mas’uul ayaa isla gaaray heshiisyo la xiriira qaabka loo maareyn lahaa ciidamadaasi iyo goobaha ay fariisimaha ka dhigan lahaayen.

Ethiopia ayaa Axmed Madoobe u ballanqaaday inay ka taageeri doonto dhanka tababarada ciidamada, xaqiijinta amaanka iyo wadashaqeyn joogta ah.

Geesta kale, labadaani qodob ee la faray Axmed Madoobe ayaa waxaa dhabar jab u arka Beesha Ogadenia oo ku taamaayay in Shariif Xassan ay xilal uga helaan dhismaha maamulkaasi cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com