Aqriso: Liiska 9-ka wasaaradood ee ugu musuq maasuqa badan dowladda federaalka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faraha kasii baxaaya musuqa-maasuqa wasaaradaha Xukuumada Somalia kuwaasi oo aan jirin cid kala xisaabtanta gurashada dhaqaalaha kasoo baxa wasaarada iyo guud ahaanba dalka.
Wasiirada qaar ayaa hantida dalka ku bedesha dhaqaale ay bixiyaan Hay’ado ajaanib ah oo aan howshooda shaqo la koontaroolin.

Wasaaradaha ugu Musuqa-badan ee aan baaritaanka ku sameynay ayaa waxaa kamid ah:

1-Wasaaradda Maaliyadda: Wasiirka wasaaradaani mas’uulka ka ah ayaa musuqa ugu badan ka geystay dalka, isaga oo xiliyada qaar Bangiga dhexe ee dalka ka mamnuuca inay bixiyaan lacagaha mushaarka u ah ciidamada iyo guud ahaan shaqaalaha DFS.

2-Wasaaradda Arrimaha Dibadda: Wasaarada arrimaha Dibadda ayaa isdaba-marin ku heysa dhaqaalaha Somalia kasoo gala dowladaha caalamka ee saaxiibada la ah Somalia, waxa uuna wasiirku heshiisyo aysan la socon DFS la galaa Dowlado aan xiriir wanaagsan kala dhexeyn Somalia, waxa ayna wasaaradaani iibisaa Fiisooyinka loogu tallo galay in lagu ambabixiyo dhalinyarada siminaarada u aadeysa dibadda.

3-Wasaaradda Waxbarashada: Wasaarada Waxbarashada ayaa faragalin iyo musuq ku heysa minxooyinka ay DFS ka hesho dowladaha Somalia ka taakuleeya dhinaca waxbarashada, waxa ayna wasaaradu dhalinyarada u dirtaa qaab qabiil iyo iibsashada deeqaha waxbarasho.

4-Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda: Wasaaradaani waxa ay Dekadda kasoo dajisaa gaadiid ganacsi oo lacagaha laga qaado aan ku dhicin qasnada DFS, waxa ayna lacago laaluush ah ka qaadaa Maraakiib iyo doonyo xadgudub kusoo sameeya biyaha Somalia.

5-Wasaarada Warfaafinta & Isgaarsiinta: Wasiirka ku magacaaban wasaaradaani waxa uu kala shaandheeya Fiisooyinka qaabka siminaar ay u hesho wasaarada, waxa ayna wasaaradaani iibisaa Fiisooyinka, iyadoona ay xusid mudan tahay in shaqaale badan oo ka howlgali jiray ay ku baxeen Fiisooyin laga iibiyay kuwaasi oo iminka magangalyo ka helay dalalka yurub halkaasina iska dhiibay.

6-Wasaarada Gaadiidka & Duulista Hawada: Dhaqaalaha kasoo baxa shirkadaha ka howlgala garoonka Aadan Cadde waxa ay si toos ah ugu dhacdaa jeebka wasiirka, waxa ayna sidoo kale wasaaradu qaab qarsoodi ah diyaaradaha ka duula garoonka ku leedahay 2 kursi oo laga iibiyo dad shacab safar doon ah.

7-Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha: Wasaarada Ganacsiga waxa ay canshuuro ka qaada inta badan ganacsatada dalka kuwooda wax dhoofiya iyo kuwa wax lasoo daga, waxa ayna dhaqaalaha kasoo baxa u gaartahay wasiirka, iyadoo aysan faa’iido gaar ah ku qabin DF.

8-Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda: Wasaaradaani waxa ay ku sifowday ganacsi iyada u gaar ah, waxa ayna Kheyraadka dalka si gaar ah uga iibsataa wakiilada caalamka ka jooga Somalia, Shirkado ajaanib ah, Shirkado maxali ah iyo Ganacsi loo qaado Gobolada dalka, dhamaan dhaqaalaha kasoo xarooda waxaa ku xisaabtama wasiirka lacagahaasi magaaran qasnada DF.

9-Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga: Wasaaradaani waxa ay Kheyraadka dalka si toos ah ugu gacan galisay Shirkado ajaanib ah, kuwaasi oo heshiisyada dhaca ku bixiya lacago laaluush ah, waana wasaarada ugu dhaqaalaha badan xiligaani, hadana mu jirto dhaqaale ay ku shubto qasnada DF.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan wasiirada maamula wasaaradahaani ayaa u xuub siibanaaya in sicir barar ay galshaan dalka, waxa ayna ku taamayaan in Somalia ay ka abuurtaan dhaqaale iyaga u gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com