Ajaaniib lagu weeraray masjid ku yaal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen muwaadin u dhashay dalka Turkiga kaasi oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee masjid ku yaala degmada Hodon ee gobolka Banaadir gaar ahaan dhabarka dambe ee jaamacada Soomaaliya oo ku taala agagaarka isgoyska Number ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah dadkii ku dukanayay masjidka oo u dhashay dalka Turkiga ayaa ku dhaawacmay weerarka kooxaha hubeysan ka geysteen degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay ku sugnaayeen alaabka masjidka, waxaana shaqaalaha Turkiga ay dhisme ka wadeen meel aan ka fogeyn masjidka oo dhisme dabaq weyn ah uu ka socdo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hayadaha amaanka dowlada Soomaaliya, waxaase markii dambe goobta gaaray ciidamo badan oo ka tirsan nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com