Dagaal beeleed culus oo ka qarxay Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Duleedka Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo wada dega deegaanka Buq matoor oo kuyaala Duleedka Magaalada Baladweyne.

Dagaalka ayaa waxaa leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana lasoo sheegayaa in Dagaalka uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah.

Maleeshiyaadka uu dagaalka u dhexeeyo ayaa kala taabacsan beelihii dhawaan ku dagaalamay Galbeedka Magaalada Baladweyn kuwaasi oo iminka burburiyay heshiiskii dhawaan la kala dhex dhigay.

Dhaqdhaqaaqa dagaalka ayaa markiisii hore ahaa mid bilowday maalinimadii shalay, waxa uuna si toos ah u bilowday goordhow waxaana hakinta dagaalkaasi ku guul dareystay maamulka iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan.

Rasaas ayaa laga maqlayaa deegaankaasi waxaana la soo warinayaa in hadda uu socdo waan-waan laga dhex wado labada beel ee iminka dagaalkooda dib u bilaabay.

Ugu yaraan 7 ruux oo ay ku jiraan dhinacyada dagaalamaaya ayaa ku dhintay dagaalka ka socda Duleedka Magaalada Baladweyne, waxaana jiro dhaawacyo farabadan oo soo gaaray dadka deegaanka.

Dhanka kale, waxaan si dhab ah loo ogeyn sababta ka danbeysay in dagaalkaasi uu bilowdo, inkastoo dadka deegaanka ay sheegayaan in beel kmaid ah beelaha uu dagaalka u dhexeeyo ay rasaas mala awaal ah kusoo fureen maleeshiyada beesha kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com