Arag sawir qosol leh: Gebra iyo Faarax C/qaadir oo madaxweynayaal cusub noqon doona (Yaab)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani ayaa lagu muujiyay suuragalnimada in Xildhibaan Faarax C/qaadir uu noqdo Madaxweynaha maamulka cusub ee loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Ololaha Faarax lagu gaarsiin lahaa Kursiga maamulka cusub ayaa waxaa ka qeybqaadanaaya Madaxda Qaranka kuwooda ku mabda’a ah Faarax iyo Dowlada Ethiopia oo uu wakiil arrintaasi uga ah Gen Gebra oo fara adag ku haya Siyaasada dalka.

Gebra ayaa qudhiisa haminaaya in Somalia uu ka noqdo Madaxweynaha soo socda waa haddii ay rumowdo riyada Faarax C/qaadir looga dhigaayo Madaxweynaha Maamulka cusub ee dhawaan loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
gab-gab