Xasan Sheekh oo isu beddelay hanti-dhowrka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer sii horeysay wacad ku maray in Dowladiisu ay la dagaalami doonto shaqsiyaadka halista ku ah Hantida Qaran ee Musuq-maasuqa caadeystay.

Xassan Sheekh ayaa mar kale sheegay in Dowladiisu ay ay iska soo dhex saari doonta shaqsiyaadka caadeystay Musuqa isaga oo carabka ku dhuftay in arrintaasi ay saameyn doonto min Xukuumad iyo Hay’addaha amaanka, inkastoo ballanqaadkaani uu yahay mid uusan Xassan Sheekh ka dhabeyn.

Xassan waxa uu sheegay in dhalashada Sanadkaani cusub ee iminka curtay ay DFS sameyn doonto isla xisaabtan ka duwan kii horay loo sameyn jiray waxa uuna tilmaamay in Dowladu ay dusha sare kala socto dhaqdhaqaaqa shaqsiyaadka musuqa ka dhexwada DF.

Sidoo kale,Xasan Sheikh Maxamuud,ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay soo bandhigeyso Barnaamij la yiraahdo “Dowlad Furan”, kaasi oo loogu talagalay in Dowlada waxba aysan qarin, islamarkaana wax waliba oo qalad ah oo la arka in la soo bandhigo, sida uu hadalka u dhigay.

DF ayuu sheegay inay muhiim u tahay talaabadaan la dagaalanka masuq-maasuqa iyo waliba lunsashada lacagaha loogu talagalay in lagu dhaqaajiyo Dowladnimada, balse shaqsi ahaantiisa ay ka go’an tahay inuu la xisaabtamo Mas’uuliyiinta ka hooseysa.

Dalka Somalia ayaa tan iyo markii uu ku habsaday burburka saaxiib u noqday Musuq-maasuq, Eex iyo nin jecleysi waxa ayna taasi sabab u noqotay in Mas’uul waliba ka tirsan Dowlada uu dhaqaale ka gurto dalka, isaga oo qaabab kala duwan u guranaayo dhaqaalahaasi.

Shaqada isla xisaabtanka uu iminka ku goodinaayo madaxweyne Xassan ayaa waxaa loogu tallo galay Hay’addo u dhisan dabagalka iyo isla xisaabtanka waxa uuna haddalka Xassan Sheekh muujinayaa in qudhiisa uu faragalin adag ku hayo howlihii khuseeyay Hay’adahaasi.

Dhanka kale, wax ka qabashada musuq-maasuqa ay wadan madaxda Qaranka ayaa waxaa horay gacan uga taagtay Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo mas’uul ka ah Howsha uu iminka faragalinta ku hayo Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com