DF Somalia oo shaacisay magacyada shirkadaha Soomaalida ee ay dhaqaalaha ka deensatay..!!

Muqdisho (Caasimada Online)-Max’ed Aadan Ibraahim Fargeeti oo ah Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya, ayaa sheegay in DFS ay gashay deemo farabadan oo uu sheegay inay ka qaaten Hay’ado caalami ah iyo Shirkado ay leeyihiin Ganacsato Soomaali ah.

Wasiir Fargeeti waxa uu sheegay in dhaqaalahaasi uusan aheyn mid iminka u xadidan DFS balse ay ku dhaqaaqi doonaan qaabkii lagu ogaan lahaa tirada ay dhantahay lacagtaasi.

Lacagta ugu badan ayuu sheegay inay ka qaaten Shirkadaha Soomaalida ee ku shaqeeya qaabka Xawaaladeed, waxa uuna tilmaamay in DF ay la daala dhaceyso deen badan.

Qaabka tirada lacagta ay deensatay DF lagu ogaankaro ayuu sheegay inay tahay kaliya taabagalinta gudi uu sheegay inay u xil saaren ogaanshiyaha lacagtaasi.

Wuxuu intaa raaciyay hadalkiisa in inta badan lacagahaasi ay horay u deensatay xukuumadihii tan iminka jirta ka horeeysay.

Shirkadaha ay DFS lacagaha ka deensato ayuu sheegay inay kamid tahay shirkada Hormuud iyo Dahab-shiil, sida uu Wasiir Fargeeti sheegay.

Mr Fatgeeti ayaa hoosta ka xariiqay in lacagtaasi qaarkii aan la ogeyn halka ay ku baxeen, balse uu sheegay in hada Gudi daba gal ku sameeya ay u xil saareen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com