Ciidamo Ethiopian ah oo ka degay KISMAAYO.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland gaaray ciidamo ka socda dalka Ethiopia kuwaasi oo hordhac u ah tirro kale oo halkaasi la geynaayo.

Ciidamada iminka gaaray magaalada Kismaayo ayaa gaaraya ilaa 250 askari kuwaasi oo si KMG ah loo dajiyay Dekada magaalada Kismaayo.

Ciidamadaani ayaa qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee howlgalada Midowga africa, waxaana lagu wadaa in tirada ciidamadaani la gaarsiiyo ilaa 1,000 askari, waxa uuna qorshuhu yahay inay buuxiyaan booskii ay ka baxeen ciidamadii Siralyoon ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM ee ka baxay Somalia.

Dowlada Somalia ayaa dhowr bil ka hor, Ethiopia u ogolaatay in ciidamadeeda ay kala soo degto magaalada Kismaayo, si ay u bedelaan ciidamadii Siralyoon ee halkaasi ka baxay.

Dhanka kale, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in 250 askari ee yimid ay ku jiraan saraakiisha hogaamin doonta Ciidamada Itoobiyaanka ee AMISOM ee magaalada Kismaayo.

Dalka Soomaaliya waxaa jooga ciidamo AMISOM ah oo ka kala socda waddamada Yuganda, Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com