Ethiopia oo ku biirtay qorshaha Faarax C/qaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa ku biirtay qorshe uu wado madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku doonayo in madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu uga dhigo Faarax C/qaadir.

Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in dowladda Ethiopia ay Faarax u ballan qaaday inay xoog iyo maskaxba ku saacidi doonto hamigiisa madaxweyne goboleednimo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wakiilka Ethiopia ee Soomaaliya Jeneral Gabre uu durba billaabay inuu hanjabaad iyo wada-hadal wada socda la billaabay odayaasha beelaha gobolka Hiiraan.

Gabre ayaa la sheegay inuu doonayo inuu kaalin ku yeesho soo xulista xubnaha ka mid noqon doona baarlamanka labadaas gobol, si loo helo xildhibaano la isku haleyn karo oo codka siiya Faarax C/qaadir.

Faarax C/qaadir oo kasoo jeeda beesha reer Aw-Xasan, ayaa damaciisa waxaa loo diyaariyey in lagu maal geliyo malaayiin dollar, oo laga dalbay dalal carbeed, sida ku cad document ay heshay Caasimada Online. Halka ka aqri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com