QARAX xooggan oo ka dhacay dalka ETHIOPIA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay ban gacanta laga tuuray oo lagu weeraray jaamacad ku taala koofurta dalka Ethiopia, taasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay arday jaamacada dhiganeysay.

Inka badan 2 ruux ayaa ku geeriyootay bam gacmeedka jaamacada lagu weeraray, waana weerarkii labaad oo muddo seddex todobaad gudahooda ka dhaca dalka Ethiopia.

Masuuliyiinta dowlada Ethiopia ayaa shaaciyay iney hayaan macluumaad ku aadan dadka ka dambeeyay weerarka labaad ee ka dhaca xarun jaamada Dilla ay ku leedahay koofur dalka Ethiopia.

Masuuliyiinta ayaanan faahfaahin ka bixin sababta ka dambeysa in weerarkaasi uu ka dhaco deegaanka oo 350 km u jira magaalada Addis Ababa oo ah caasimada dalka Ethiopia.

“Qaraxa waxaa ku dhimatay labo ardayda kamid ah lix ayaana ku dhaawacantay kuwaasi oo afar kamid ah dhaawac daran uu soo gaaray”sidaasi waxaa wakaalada wararka Ethiopia u sheegay Ejigu Shiferaw oo ah sarkaal ka tirsan booliska deegaanka qaraxa ka dhacay.

Qaraxa kadib ayuu sheegay in loo qabtay dad aan la shaacin tiradooda kuwaasi oo ku jira xabsi ciidamada booliska leeyihiin, laakiin ma uusan ka sii bixin wax faahfaahin dheeri ah.

Weerarka ka dhacay jaamacada ku taala koofurta Ethiopia ayaa dhacay 21 maalin kadib markii qarax uu ka dhacay masjid ku yaala magaalada Addis Ababa oo ay ku dhaawacmeen inka badan 20 ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Ethiopia
Caasimada@live.com