Ethiopia oo ogolaatay qorshaha xildhibaannada Digil iyo Mirifle (Maxay ka dhigan tahay arrintan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda beelaha Digil & Mirifle oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa isu diyaarinaya inay tagaan degmada Ceelbarde iyo degaanada Yeed iyo Aato oo dhowaan laga dhigay maamul loo bixiyay Bakool Sare.

Wafdi hordhac ah oo tegay degmada Xudur ee Xarunta u ah Gobolka Bakool ayaa wadahadal la yeeshay saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan halkaasi, waxayna wararku sheegayaan inay ciidamada Itoobiya diideen in wafdigaasi uu tago degmada Ceelbarde.

Wadahadal dheer kadib ahyay wararku sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay ogolaadeen inay wafdigaasi tagaan Ceelbarde, waxaan xildhibaanada Ceelbarde tegay oo taageersan Shariif Xasan ay doonayaan inay dadka degaamad Ceelbarde, Yeed iyo Aato ay kulamo la soo yeeshaan.

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Saraakiisha Itoobiya ay isla meel dhigeen in xildhibaanada ka socda dowladda Federaalka la geeyo Ceelbarde, wuxuunta intaas ku daray inay ku biiri doonaan xubno kale oo uu hogaaminayo Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com