Daawo sawirro muujinaaya bur burkii ka dhashay qaraxii maanta magaalada Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Maqaayada Hooyooyinka ee ku taallo Daarta Hooyoyinka, kadib markii ruux dhalinyaro ah oo waxyaaabaha Qarxa Isku soo xiray uu halkaasi isku qarxiyay.

Ninkaan Dhalinyarada ah ee Ismiidaamiyay ayaa soo galay Maqaayada, wuxuuna fariistay meesha dadka Shaaha caba ay fariistaan, isaga oo dareen badan ay ku jirto.

Wariyeyaal ku sugnaa Maqaayada xilliga ninkaan uu soo fariisinaayay ayaa sheegay inay dareen ka qaadeen Shaqsigaasi, kadibna ay isaga kaceen meesha, waxyar kadibna uu qaraxa sidaasi ku dhacay.

Lama ogaan Karo Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxaasi, inkastoo markii uu qaraxa dhacaayay maqaayada ay fadhiyeen dad kala duwan.

Maqaayada ku taallo Guriga Hooyooyinka ayaa waxaa fariista dadka Dowladda qaybaheeda kala duwan u shaqeeya iyo Suxufiyiinta, waana meel Shaaha laga cabo oo dadka ay ku kulmaan.

Ciidamada Ammaanka Dowladda ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana socda baaritaanka qaraxaasi.
qqrrrrrttwwyy

Caasimada OOnline
Xafiiska Muqisho
Caasimada@live.com