XOG: Yaa lahaa qorshaha lagu dhisay maamulka lagu carqaladeynaayo maamulka Koofur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – December 25, 2015 waxaa Dagmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool looga dhawaaqay maamul Goboleed loogu magac daray Bakool Sare oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Beesha Ogaaden ka jooga Somalia, gaar ahaan kuwooda xubinta ka ah DF iyo Maamul Goboleedka Jubbaland.

Dhismaha iyo ku dhawaaqida maamulkaasi ayaa qaatay ku dhawaad 2 asbuuc oo xiriir ah iyadoo goortii lagu dhawaaqay maamulkaasi ay mas’uuliyiintu shaaciyeen in maamulka ay hoos imaan doonaan Dagmooyinka Yeed, Aato iyo Ceelbarde oo gabi ahaan hoostaga Gobolka Bakool.

Ujeedka loo aasaasay maamulkaasi ayaa ah in lagu carqaladeeyo Hanaanka Siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed oo uu Hogaamiyaha ka yahay madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Beesha Ogaadeen ayaa rajo ka qabtay in maamulkaasi lagu biiriyo kuwa hoostaga Jubbaland balse caqabado jira awgeed taasi loo dib dhigay si indhaha shacabka Soomaaliyeed leysaga jeediyo.

Qorshaha maamulkaasi lagu dhisay ayaa waxaa lahaa Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Bare oo ka tirsan BFS, horayna ugu fashilmay wasaarada arrimaha Gudaha Xukuumada Somalia.

Waxaa ku wehlinaayay oo durbaanka u tumaayay Xildhibaano ka tirsan BFS balse kasoo jeeda Beesha Ogaadeen oo ay kamid yihiin:-

1-Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye
2-Xildhibaan sanyare
3-Xildhibaan Xerow
4-Xildhibaan Axmed Aabi
5-Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif
6-Xildhibaanad Xamza

Lixdaani Xildhibaan ayaa qeyb ka ah Xildhibaanada sida aadka ah kaga horyimaada waxqabadka DFS, waxa ayna hadda doorbideen inay yagleelaan Maamul ka madax-banaan kan Koonfur Galbeed si shaqsiyaad ay wataan loogu darro maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee waxaa qorshahaasi laalay Shariif Xassan.

Xildhibaan Goodax Barre ayaa lumiyay miisaankii uu ku dhex lahaa guud ahaan Somalia, gaar ahaan Golaha sharci dajinta Somalia ee loo yaqaan BFS.

Goodax oo dhinacyo badan u kaashanaayay dhismaha maamulkaasi ayaa waxa uu dhaqaalaha kasoo kala qaaday madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo intuba kasoo horjeeda maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna sheekadu u muuqatay mid is xulafeysi ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka hal bacaad lagu lisay noqday kaalintii ay Xildhibaanadaasi ku dhiseen maamulka, waxaana dhismaha maamulkaasi is hortaagay Dowlada Ethiopia oo iyadu Siyaasad hoose ay kala dhexeyso maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com