C/Welli Gaas oo iska jeedinaya shacaba Puntland iyo wasiiro badan oo lagu dhegan yahay kadib…

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta magaalada Garowe ka furay shir lagula xisaabtamayo golaha wasiirada maamulka Puntland, si shacabka looga gado waxqabadka wasaaradaha Puntland.

Wasiirada maamulka Puntland ayaa ka jawaabayay su’aalo laga weydiinayay waxqabadkoda, waxaana ka hor ay soo bandhigayeen waxyaabaha u qabsoomay wasiir walbaa oo ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas, oo furitaanka shirkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in muhiimada isla xisaabtanka ay tahay in shacabka loosoo bandhigo waxyaabaha dhabta ah ee loo qabtay, maadaama ay wakiil ka yihiin kumanaanka ruux ee ku nool deegaanada Puntland.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wax dan ah aysan ku jirin goobaha maqaayadaha laga sheego waxqabadka wasaarada kasta balse la sameyn doono isla xisaabtan iyo dabagal lagu sameynayo wasaarad kasta oo maamulkiisa ka tirsan.

”qiimaynta Rasmigaa waxaa weeye tan ay qiimeeyaan dadwaynaha Reer Puntland, waxaana aan soo bandhigaynaa natiijada shaqadeenii, waxaana dadka ka sugaynaa inay qiimeyaan shaqada iyo sida loogu kala dheereeyay” Ayuu yiri Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com