Xiisad weli ka taagan magaalada Beledweyne…!!

Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisad dagaal oo u dhaxeyso labo maleeshiyo beeleed ayaa ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kadib dagaalo ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xiisada dagaal ayaa salka ku heysa dagaalo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana laga baqayaa in markale ay ku dagaalamay maleeshiyaadka duleedka magaalada.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Xaafada Howlwadaag ayaa sheegaya iney soo wajahday cabsidii ugu darneyd oo kaga imaaneyso xiisada ka taagan magaalada iyaga oo ka baqaya in markale maleeshiyaadka ku dagaalamay magaalada Beledweyne.

Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa dadaal ugu jiro sidii loo dhameyn lahaa xiisada dagaal ee ka taagan magaalada Beledweyne iyo deegaan ku yaala duleedka magaalada Beledweyne.

Nabadoonada qaarkood oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay ineysan raali ka aheyn dagaalo kale oo ka dhaca magaalada Beledweyne, ayna ku baxayaan xiisada colaadeed ee ka taagan duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalo qabaa’ileed dhawaan ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa markii dambe xal ka gaaray madaxda dowlada Soomaaliya oo tagay magaalada Beledweyne, waxaase wali taagan xiisada ka dhalatay dagaalkii ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com