“Haddii uu Xasan Sheekh ka dhabeeyo arrintan waa bahdil weyn oo ka dhan ah beelaha Hawiye”

Nairobi (Caasimada Online) – Xasan Cabdi Salaad oo ka mid ah aqoonyahanada beelaha Hawiye ee ku nool magaalada Nairobi, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay damaca Xasan Sheekh uu doonayo inuu madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uga dhigo Faarax C/qaadir.

Aqoonyahanka oo nagu soo booqday xafiiska Caasimada Online ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in fikirka Xasan Sheekh uu la macno yahay yasmo ka dhan ah beelaha Hawiye, oo u baahan in laga hortago.

“Horta anigu illaa iyo hadda ma aaminsani in arrintan ay tahay mi dhab ah, laakiin siyaasiyiin badan oo xog ogaal ah ayaa igu yiri, balse haddii ay jirto waa caqli gaaban iyo yasmo Xasan Sheekh ka timid” ayuu yiri Xasan Cabdi Salaad.

“Haddii uu Xasan Sheekh ka dhabeeyo arrintan waa bahdilaad ka dhan ah beelaha Hawiye, waa in si kasta looga hortagaa” ayuu yiri aqoonyahanka.

Xasan Cabdi ayaa sheegay in Faarax iyo dadkiisuba aysan deegaan u lahayn labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, islamarkaana in nin ceynkaas ah dusha looga keeno oo lagu qasbo xukunkooda ay tahay wax aan la aqbali karin.

“Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Hawiye, waa inay u tagaan Xasan una sheegaan in caqligiisa gaaban uu yahay mid aan la aqbali karin” ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com