Maxaa ka jira in Qardho lagu faafinayo SHIICO?!

Qardho (Caasimada Online) – Maamulka Degmada Qardho ee Puntland ayaa ka jawaabay hadalo la isla dhexmarayay maalmihii ugu dambeeyay oo ahaa in magaaladaasi lagu faafiyo mad-habta Shiicada, kadib markii dowlada ay xirtay shaqsiyaad arimahaasi lala xiriiriyay oo Muqdisho ku sugnaa.

Cabsi Saciid, oo ah gudoomiyaha degmada Qardho ee Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladaasi ayaa sheegay in magaalada ay ku nool yihiin dad Muslimiin ah oo Suni ah, balse aan Shiico aheyn.

Hayada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal lagu sheegay in magaalada Qardho ay kamid tahay magaalooyin lagu faafinayay Mad-habta Shiicada, kadib markii Muqdisho lagu xiray labo ruux oo falkaasi waday.

Gudoomiyaha degmada Qardho, ayaa tilmaamay in magaalada aysan ku sugneyn dad shiico ah ama u dhashay dalka Iran, wuxuuna been abuur ka dhigay hadalka kasoo yeeray hayada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.

”Qardho waa Magaalo ay ku nool yihiin Dad Muslim ah oo Suni ah, waxaana dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba u sheegaynaa in warkaas uusan ahayn mid run ah waxaana codaanaynaa in dabagal rasmi ah lagu sameeyo warkaas been abuurka ah” Ayuu Yiri Gudoomiyaha Degmada Qardho.

Sidoo kale qaar kamid ah ururada ka dhisan magaalada ayaa shaaciyay ineysan u dulqaadan karin been abuurka laga sheegay magaalada, sida ay hadalka u dhigeen.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com