Xog: Ethiopia oo garwadeen ka noqotay qilaafka Dowladda Soomaaliya iyo maamulka PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in shirka leysugu soo dhaweynaayo DF iyo Puntland ay garwadeen ka noqotay Dowlada Ethiopia oo xubno ka tirsan ka joogan shirka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Saraakiil ka tirsan Dowlada Ethiopia ay faragalin kusoo sameeyen shirka ismari’waaga ee ka dhexeeya DF Somalia iyo Maamulka Puntland, iyadoona ay wararka qaar sheegayaan in Madaxweyne Xassan lagu cadaadinaayo inuu dib uga laabto go’aanka uu Mudug, gaar ahaan qeybta Puntland lagu daro Maamulka loo yagleelaayo G/Dhexe ee Somalia.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan ay kulan gaar ah la qaaten Xubnahaasi Ethiopia-nka ah, waxaana la soo warinayaa in Madaxweynaha uu ka biyo diiday in la hakiyo Maamulka Gobolada Dhexe, islamarkaana laga reebo qeybta ay sheeganeyso Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa dhankiisa ku adkeysanaayo in Madaxweyne Xassan uu cadeeyo in Maamulka Puntland ay maamul ahaan lagala xaajoonaayo Mudug, waxaana Puntland ay ku adkeysaneysaa in dhismaha Maamulka G/Dhexe uu yahay mid aan waafaqsaneyn Dastuurka islamarkaana lagu daandaansanaayo Maamulka Puntland.

Go’aanka Madaxweyne Xassan, ayaa ah mid ka duwan go’aanadiisi hore, waxa uuna qaadacay in masiirka Umada soomaaliyeed uu ku raali galiyo Puntland.

Xaalada ayaa weli ah mid dhabaqsan, waxaana Madaxweyne Xassan lagu wadaa inuu Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabto isaga oo aan natiijo ka gaarin socdaalkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com