Garoowe (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa iney tagaan magaalada Caasimada u ah dalka Talyaaniga.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas ay kaga qeyb galayaan dalka Talyaaniga shir halkaasi ka dhacaya oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya.
Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale la qorsheynayaa iney kamid noqdaan golaha wasiirada iyo xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.
Warar kale oo Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in sidoo kale xubno ka tirsan maamulka Jubba ay casuumaad ka heleen dowlada Talyaaniga ayna ka qeyb gali doonaan shirkaasi.
Lama oga xogta rasmiga ee ka dambeysa in safarkaasi ay Talyaaniga ugu ambabaxaan xubnaha maamulka Puntland iyo Jubbaland.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]