Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa qaadatay go’aan kale oo saameyn ku yeelanaya howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya.
Wargeyska East Africa ayaa daabacay warbixin uu ku sheegayo in ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM ka baxayaan gudaha dalka Soomaaliya.
Wargeyska oo soo xiganaya afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia Soomaaliya isaga baxayaan maadaama Ethiopia eedo badan tirsaneyso.
Afhayeenka wuxuu sheegay in arintaasi ay culees iyo niyad jab weyn ku tahay howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya, ayna keeni karto dib u dhac ku yimaado qorshayaashii horey loo dajiyay.
Lama shaacin waqtiga ciidamada Ethiopia ka baxayaan dalka Soomaaliya, laakiin Joseph Kibet Murrey wuxuu sheegay in haddii ciidamada Ethiopia ka baxaan Soomaaliya culees kale uu imaan doono.
Ethiopia ayaa bil ka hor ciidamo badan kala baxday Soomaaliya, waxaana ciidamadaasi lagu sheegay ineysan kamid aheyn howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo.
Caasimada Online
Xafiiska Ethiopia
[email protected]

