Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in magaaladaasi ku kulmeen madaxda maamul goboleedyada qaar iyo xubno Imaaraatka ka socdo.
Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo madaxweynaha Jubbaland ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee dalka kenya, kadib markii halkaasi uu ugu yeeray safiirka Imaaraatka.
Kulamo gaar gaar ah ayaa dhexmaray Axmed Madoobe iyo SHariif Xasan oo dhankooda qilaafyo hoose uu u dhaxeeyay kuna saleysan xubnaha ay kala siiyeen beelaha kala daga Jubbaland iyo Koofur Galbeed.
Imaaraatka Carabta ayaa waddo qorshe ka dhan ah Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuuna doonayaa in markale uusan soo laaban.
Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa deegaanada ay maamulaan waxaa ka imaanaya xildhibaanada ugu badan, waana midda keentay in si hoose loola shiraa.
Imaaraatka ayaa dhawaan magaalada Dubia iskugu geeyay madaxda maamul goboleedyada, waxaana maamul goboleed kastaa lasoo siiyay dhaqaalo gaar ah.
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

