28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Keating oo fariin digniin xanbaarsan u diray Guuleed iyo Gaas

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug lagu kala saxiixday Heshiis xabad joojin ah, ayaa waxaa arrintaasi goordhow ka hadlay Ergayga QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating.

Michael Keating, waxa uu sheegay in nasiib darro weyn ay u tahay dhinacyada dhex dhexaadinta ka dhexwaday Puntland iyo Galmudug waa haddii laga weecdo Heshiiska cusub ee labada dhinac ay kala saxiixdeen.

Michael Keating, waxa uu soo jeediyay in maamulada Puntland iyo Galmudug aysan jabin heshiiska xabad joojinta ah ee sabtidi lagu saxiixay magaalada Galkacyo.

Wuxuu intaa raaciyay in lala xisaabtami doono ciddii ka baxda heshiiska, isla markaana ay mas’uuliyadda qaadi doonto wixii ka dhasha.

Keating, waxa uu ka digay in lagu dul dagaalamo dadka maatida ah ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo, waxa uuna ballan ku qaaday in caqabado Siyaasadeed la marin doono dhinicii ka weecda Heshiiska.

Sidoo kale, Michael Keating, ayaa tilmaamay in QM iyo dhammaan xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay aad usoo dhaweynayaan sida ay Guuleed iyo Gaas uga go’an tahay heshiiska laakin waxaa uu ku booriyay in muhiimadda tahay fulinta heshiiska.

Dhinaca kale, Mr Michael Keating, ayaa ku baaqay in labada maamul ay sameeyan xiriir dhab ah, si meesha looga saaro wararka ku aadan khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News