28.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Maxaa iska badalay mowqifkii siyaasiyiinta Somaliland ee doorashada 2016?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanada waqooyi ee Soomaaliya ayaa wax ka badalid ku sameeyay mowqifkii ay ka qabeen doorashada sanadkaan ka dhaceyso Soomaaliya.

Kadib Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa siyaasiyiinta waxay shaaciyeen iney badaleen mowqifkoodii hore ee doorashada Soomaaliya.

Waxay sheegeen iney hadda ka qeyb galayaan doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya, maadaama markii hore ay gabi ahaanba diideen iney doorashada ka qeyb galaan.

Lama oga waxyaabaha siyaasiyiinta lagu qanciyay, waxaase loo badinayaa iney jiraan balanqaadyo loo sameeyay siyaasiyiinta waqooyiga Soomaaliya kasoo jeeda.

Waxaa horey u jiray tabasho ay ka qabeen qaabka loo qeybiyay xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ka imaanaya waqooyiga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News