26.6 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Cabsi wali ka taagan Gaalkacyo iyo ciidamada labada maamul oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gackacyo (Caasimada Online) – Iyadoo Hogaamiyayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ay kala saxiixdeen Heshiis dhigaaya xabad joojin ayaa waxaa haddana soo baxaaya warar sheegaya in labada ciidan ay wali yihiin kuwo is horfadhiya.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaaya in labada ciidan ay wali yihiin kuwo isku muuqda isla markaana ay jirto cabsi ku aadan in labada ciidan ay dagaalamaan.

Waxa ay sidoo kale sheegayaan in labada ciidan ay xiliyada Habeenkii iyo Subaxa hore ay sameeyan dhaqdhaqaaq muujinaaya in wali ay taagan tahay colaada.

Xusein Xaaji Maxamed oo kamid ah dadka deegaanka ayaa yiri ”Ciidamadu wali wey is horfadhiyaan keliya heshiis unbaa dhacay mooye ma jiraan wax la kala qaaday ciidamada mar waliba dagaal ku tasho ayaan ku jirnaa”

”Heshiiska dhacay waxba ma dhaama kuwii hore, waayo waxaad ku dareemeysaa ciidamada wali is horfadhiya oo aan la kala qaadin”

Xiliyada Habeenkii ayuu sheegay inay ku jiraan xaalad khatar ah maadaama ay dhicikarto in xiligaasi ay ciidamada dhexmarto is rasaaseyn”

Xaalada ayaa ah mid cabsi galisay dadka deegaanka waxaana mar waliba suuragal ah inay dhacaan weeraro ciidamada ay geystaan maadaama ay labada ciidan isku muuqdaan.

Caasimada Online

Xafiiska Galkacyo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News