Donald Trump oo dib uga laabtay hanjabaadii Hillary Clinton

Muqdisho (Caasimada) – Madaxweynaha cusub dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dib uga laabtay hanjabaadii uu u jeediyay Musharaxadii la loolameysay Hillary Clinton.

Trump ayaa horay usheegay inuu xiri doono Hillary Clinton, kadib markii uu sheegay inay saartay Cadaadin dhanka ololihiisa.

Trump oo lahadlaayay saxaafada ayaa sheegay inuu dib uga laabtay hanjabaadii Hillary taa oo aheyd inuu xiri doono.

Trump waxa uu sheegay in Hillary ay tahay mid xor ah, isla markaana uu ka cafiyay waxyaabihii ay kula dhaqantay inta lagu guda jiray ololaha.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu ka laabtay hanjabaado dhowr ah oo uu jeediyay inta uu socday ololaha, balse waxa uu cadeeyay in la kala yareyn doono dadka soo galootiga ah.

Hadalada uu jeediyay Trump inta lagu guda jiray ololaha ayaa waxaa si weyn uga carooday Dowladaha saaxiibada la ah Mareykanka kuwaasi oo cambaareeyay Trump.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com