Ethiopia oo heshiis xasaasi ah la gashay Ruushka iyo ujeeddada ka dambeysa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa heshiis Iskaashi Militari ah la gashay Ruushka, ka dib wada-hadal qaatay saddex maalmood, sida ay baahisay Wakaalada Wararka Ethiopia ee FANA.

Heshiiska cusub ee Ethiopia iyo Ruushka ayaa waxa uu yahay mid la xiriira Aqoonta Ciidan, Difaaca, Awoodda farsamo iyo qalabka ay adeegsanayaan.

Waaxda dhaqaalaha ee ciidamada difaaca ee Ethiopia ayaa saxiixay heshiiskan, kaas oo ay ku sheegtay inuu sare u qaadi doono “xiriirka soo jireenka ah ee labada dal”.

Siyaasada arrimaha dibedda Ethiopia ayaa muddooyinkii dambe u wareegtay dhinaca Shiinaha iyo Ruushka, tan iyo intii uu kordhay cadaadiska uga imaanaya xukuumadda Addis Ababa dowladda Mareykanka.

Mareykanka iyo Ethiopia ayaa waxa uu xiriirkooda sii xumaaday kadib markii ay xukuumadda Abiy ay dagaal bareer ah ku qaaday Tigray, kaasi oo ay cambaareysay xukuumadda Washington.

Taageerayaasha Abiy Ahmed ayaa bishii May soo abaabulay mudaharaad weyn oo looga soo horjeedo Mareykanka, kaasi oo ka dhacay caasimadda Addis Ababa, sidoo kale waxaa dibad-baxaas looga horyimid wax uu Abiy ku sheegay “fara-gelin shisheeye”, kadib markii ay walaac ka muujiyeen waddamada reer galbeedka xaalada dalkaas.

Waxaa xusid mudan in xukuumadda Biden ay xayiraad ku soo rogtay fiisooyinka iyo kaalmada dhaqaale ee dowladda Ethiopia, taasi oo sarre u sii qaaday xiisada labada dal.

Xukuumadda Abiy ayaa xiligan fursad aargudasho u aragta iskaashi xoogan oo ay la sameysato dowladaha Ruushka iyo Shiinaha oo xifaaltan xoogan kala dhaxeeyo Mareykanka, oo ay si weyn isku hayaan Ethiopia.