Rooble oo amar siiyey guddiga amniga doorashada + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay guddiga amniga doorashooyinka  oo isugu jira taliyeyaasha booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya , taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliya ee dowlad goboleedyada dalka.

Waxaa diirada lagu saaray kulankaan sidii loo sugi lahaa amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo sidii ciidamada iyo taliyaasha ay dhex dhexaad uga noqon lahaayeen doorashada la filayo inay bilaha soo socdo ka dhacdo Soomaaliya.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday isfaham, wuxuuna Rooble faray saraakiisha ciidamada inay si daacad ah u gutaan waajibaadka ka saaran doorashada.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa waxa uu kamid yahay saraakiisha loo xil saaray sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka.

Doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay dhacdo 10 October ee sanadkaan sida ku xusan heshiiskii ay 27 May ku saxiixdeyn Magaalada Muqdisho madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Roole.

Waqtiga loo qabtay doorashada Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay ka dib dhacdo maadaama ay soo baxeyn khilaaf cusub oo ka dhashay kuraasta reer Waqooyiga (Somaliland) iyo kuwa Jubbaland ee yaal Magaalada Garbahaarey.