27.4 C
Mogadishu
Saturday, April 11, 2026

Ethiopia oo heshiiska dekadda Berbera ku tilmaamtay mid….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada ethiopia ayaa ka hadashay Heshiiska dhexmaray maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP world ee laga leeyahay dalka isutaga imaaraadka carabta.

Dowlada ethiopia ayaa sheegtay in Heshiiska dhexmaray shirkadda DP world iyo Somaliland uu saan-saan hormarineed u noqon doono kobaca dhaqaale uu maamulka Somaliland ka sameyn doono Dekadda Berbera.

Mekonnen Abera oo ah Agaasimaha hay’adda EMAA ee ethiopia u qaabilsan dekedaha, ayaa sheegay in Somaliland looga baahan yahay in si taxadar leh ay uga faa’iideysato dhaqaalaha uga soo xaroonkara Dekadda Berbera waxa uuna sheegay in Dowlada ethiopia ay taageersan tahay Heshiiska, balse ay Somaliland kala shaqeyn doonaan habka loo maareynaayo shixnadaha kala duwan ee kasoo degi doona dekedda Berbera.

Mekonnen Abera, waxa uu tilmaamay in heshiiska uu muujinayo in la arko in shirkadda DP world ay si weyn u danaynayso horumarka dekedda Berbera, taas oo uu sheegay inay fursad weyn u tahay dadka ay shixnaduhu u soo maraan dekedda Berbera.

Dhanka kale, wuxuu agaasimaha sheegay in ethiopia ay soo dhawaynayso heshiiskaas dhigaya in DP world ay dekedda Berbera ku maalgashan doonto 442 Milyan oo dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News