24.1 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Muxuu u xiran yahay garoonka magaalada Gaalkacyo (Dhageyso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa xiran muddo todobaad ku dhow waxaana jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ka socdo garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, taasi oo sameyn ku yeelatay dadkii kasoo dhoofi jiray Gaalkacyo.

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in khilaaf hoose o dhanka maamulka uu sababay in la xiro garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo kaasi oo soo kala dhex galay maamulka ka taliyo magaalada gaalkayco.

Iyadoo uu jiray khilaafkaasi hoose ayaa haddana shirkado duulimaadyo waxay lacag kordhin ku sameeyeen dadka rakaabkaah ee kasoo duulayay magaaladaGaalkacyo, waxayna arintaasi ay kasii dartay xaalada xirnaanshaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Dadka ayaa hadda waxay adeegsadaan garoonka diyaaradaha ee dhanka Galmudug, waxaana ay usoo wareegteen dhanka garoonka diyaaradaha ee koofurta magaalada Gaalkacyo.

Galmudug iyo Puntland ayaa marar badan ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo waxayna dagaaladooda saameeyeen dhaqdhaqaaqyo badan oo magaalada ka jiray

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News