26.1 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Xog: Yaa leh abaabulka colaada ka taagan magaalada Beledweyn?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in shaki badan uu ka dhashay dagaalkii ka dhacay Galbeedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka oo u dhexeeyay laba beel, ayaa waxaa la soo warinayaa in laga damacsanaa qorsho fog oo lagu carqaladeynaayo Shirka Odayaasha Hiiraan uga socda magaalada Beledweyne.

Labada beel ee uu dagaalka u dhexeeyay ayaa qeyb ka ah Shirka Odayaasha Hiiraan uga socda magaalada Beledweyne, waxaana la tilmaamayaa in abuurista colaadaasi uu lahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Ujeedka dagaalkaasi loo abuuray ayaa la sheegay inuu yahay in lagu mashquuliyo Odayaasha kasoo horjeeda shirka Jowhar ka socda ee ku shirsan magaalada Beledweyne.

Sidoo kale, fakirka lagu abuurac Colaada ka dhextaagan labadaasi beel ayaa waxaa qeyb ka ah Dowlada Federaalka oo iyadu ka cabsi qabtay in xiligaani gabagabada ah ay Odayaasha Hiiraan carqaladeeyan shirka Jowhar.

Sababta ugu weyn ayaa ah in Odayaasha Jiiraan ku shirsan aysan tashkiilin Ergada Hiiraan ee qeybta ka ah shirka Jowhar.

Odayaasha qaar ayaa ka digay in Dowlada Somalia iyo Maamulka Hiiraan ay iska horkeenaan Beelaha wada dega, iyaga oo eeganaaya danahooda gaarka ah.

Colaada ka taagan Galbeedka magaalada Beledweyne, ayaa inta badan ay dadku aaminsan yihiin in kaalin buuxda ay ka qaadanayaan Dowlada iyo Dabageyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News