Xog: Ethiopia oo is hortaagtay dhismaha xero ciidan oo Britain ay u dhiseyso DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa is hortaagtay dhismaha Xero Ciidan oo dhawaan ay Dowlada Britain sheegtay inay u dhiseyso Dowlada Somalia si loogu tababaro Ciidamada Dowlada, gaar ahaan kuwa Militeriga.

Xeradaani ayaa ku taal deegaanada maamulka Koonfur galbeed gaar ahaan duleedka magaalada Baydhabo, waxaana dhawaan calaameeyay Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan oo ka kala tirsan DFS iyo AMISOM.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in dhismaha iyo furista Xeradaasi ay uga imaaneyso dhibaatooyin dhanka amaanka ah, waxa ayna diiday in Xeradaasi laga howlgaliyo shaqaalaha dhisi lahaa.

Dowlada Ethiopia ayaa sidoo kale la sheegay in dhulka laga dhisaayo Xerada ay geysay Ciidamo farabadan oo loogu talo galay hakinta dhismaha Xerada, waxaana sidoo kale lasoo warinayaa in halkaa ay ka eryeen Injineero loo geeyay inay qiimeeyaan dhaqaalaha ku baxaaya dhismaha Xerada.

Dowlada Britain ayaa Xeradaani ugu tallo gashay in Dowlada Somalia loogu tababaro Ciidamada la wareegi lahaa amniga Somalia, ee lagu bedeli lahaa kuwa AMISOM.

Tababarada Ciidamada ayaa waxaa bixin doona Saraakiisha AMISOM, waxaana dhanka dhaqaalaha iyo howl fududeynta ka caawin doonta dowlada Britain.

Wafdi ka kooban Taliyayaal iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa xerada booqday Bishii February 23, 2017, iyadoo wixii intaa ka danbeeyay ay is hortaag sameeyen Ciidamada Ethiopia, qeybta ka howlgasha magaalada Baydhabo.

Dowlada Somalia ayaan wali ka hadal dhibaatooyinka ay magaalada Baydhabo kawado Ethiopia, waxa ayna arrintaani kusoo beegmeysaa xili ay dowlada Ethiopia aad uga soo horjeedo horumarinta Ciidamada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com