Xog cusub: Halkee ayuu ku danbeeyay safiirka Imaaraadka ee Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli hakat ku jira howlaha Safaarada Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu tashwiish intiisa badan la xaliyay soo kala dhex galay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Dowlada Imaaraadka Carabta.

Tashwiishka iyo Hakatka howlaha Safaarada Imaaraadka Carabta ayaa waxaa sabab u noqday Danjiraha dalkaasi u fadhiya Somalia Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi.

Dowlada Imaaraadka Carabta oo iminka ay isku soo dhawaadeen Madaxweynaha Somalia ayaa wada dadaal ay dib ugu soo celineyso Danjire Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, halka Dowlada Somalia la sheegay inay dal baneyso in Imaaraadka uu la imaado Danjire cusub oo aan ku xadgudbeynin umuuraha Somalia.

Dowlada Somalia ayaa sidoo kale Imaaraadka Carabta ku wargalisay in qorshaha lagu eryay Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi uu qeyb ka yahay Siyaasada cusub ee Dowlada, balse wali ay Imaaraadka u furan tahay inay la imaado Safiir kale.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa arrimaha Somalia uga maarmin Danjire Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi oo dhawaan magaalada Muqdisho warqad Casuumaad ah ku gudoonsiiyay Madxaweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, ayaa wali si KMG ah uga sii howlgala magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya waxa uuna dhowrayaa go’aanka kasoo baxa Dowlada Somalia oo iyadu dalka ka erisay.

Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, ayaa mudadii ay shaqeyneysay Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud saameyn ba’an ku dhex lahaa Siyaasada Somalia waxa ayna awoodiisa wiiqantay markii laga guuleystay Dowladii Xasan Sheekh oo garab ka heleysay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale, Ballanqaadka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kamid ahaa in la xadidi doono Siyaasada dowladaha shisheeye ee gacanta kula jira amuuraha Somalia, mana cadda go’aanka ay DFS ka qaadan doonto Safiirka dibad jooga ah Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com