Sawirro: R/W Kheyre oo weli wasaaradaha ka wada arrin aysan sameyn xukuumadihii hore!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyra ayaa weli ka wado xarumaha wasaaradaha dowladda Soomaaliya arrimo aan horey loogu arki jirin Ra’isulwasaarayaashii dalka soo maray.

Kheyre oo maalmihii dambe waday inuu si lama filaan ah u booqdo wasaaradaha dowladiisa si uu u qiimeeyo shaqada ka socoto iyo inay shaqaalaha waqtigooda soo shaqa tagaan ayaa saakay   booqasho kadis ah ku tagay xarunta Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Xukuumadda Somaliya, xilli hawlaha shaqada Wasaaradda ay si caadi ah ku socdeen.

Booqashadaan aan horey loo sii sheegeen ayaa ka qeyb ka ah kormeero kala duwan ee uu Ra’isulwasaare Kheyre ku tagayey xarumaha wasaaradaha xukuumadiisa, maadaama uu ballan qaaday inuu hubin doono inay qabanayaan shaqooyin dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.

Saacadda Muqdishi markay aheyd 8:40 daqiiqo ee subaxnimo ayuu Ra’isulwasaare Kheyre booqday wasaarada Haweenka, waxaana xilligaas shaqooyinkooda caadiga ahaa watay shaqaalaha wasaaradda.

Somaliya Dr. Omar Abdi Qani oo ah Agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Somaliya ayaa si weyn Ra’isulwasaare Kheyre ugu soo dhameeyey xarunta Wasaarada.

Ra’isulwasaaraha ayaa Agaasimaha guud ka codsaday inuu warbixin kooban ka siiyo si ay u socoto shaqada wasaaradda iyo waxa ay qabteen, wuxuuna uga dhageystay si degan isagoo qortay  waxyaabihi loo sheegay.

“Raiisul Wasaare Hassan Kheyre aa saakay booqasho kormeer shaqo ku yimid Wasaarada Haweenka xili hore. Runti waxu la kulmay dhamaan shaqaalaha Wasaarada oo wada xaadir ah, , midaasna guul ayey u aheyd wasaaradda” Ayuu yiri Cabdiqani.

Ujeedka ugu weyn ee uu Ra’isulwasaaraha u booqanayo wasaaradaha weliba si kadis ayaa ah sidii loo kala ogaan lahaa wasaaradaha shaqeeyo iyo kuwa aan shaqeyn, waxayna shacabka Soomaaliyeed tallaabadaas ku tilmaameyn mid wanaagsan oo ku dayasho mudan.