Puntland oo si cajiiba uga hadashay Daacishta la wareegtay qeybo ka mid ah dhulkeeda

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Maleeshiyaadka Daacish ay la wareegen deegaano ka tirsan Degmada Qandala.

Maamulka ayaa sheegay in saacadihii ugu danbeeyay ay soo gaarayeen warar sheegaya in Maleeshiyada Daacish la wareegen deegaanka Saan oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada degmada Qandala.

Jaamac Maxamed Quurshe oo ah Gudoomiyaha degmada Qandala, ayaa sheegay in ciidamada maamulka ay ku sugan yihiin deegaanka la sheegay inay la wareegen Daacish.

Waxa uu Gudoomiyaha degmada Qandala sheegay inay been abuur tahay in Daacish ay la wareegen deegaankaasi, waxa uuna meesha ka saaray inay u dhow yihiin xitaa deegaanada ka baxsan Degmada.

Waxa uu intaa ku daray inay bilaabayaan howlgallo degaanadaasi looga saarayo Daacish, si aysan usoo gaarin deegaanada la sheegay inay la wareegen.

Beeninta Guddoomiyaha ayaa kusoo beegmeysa xili saacadihii ugu danbeeyay ay Saxaafadu baahisay in Kooxda Daacish ay la wareegen degaanka Saan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com