Ethiopia oo iska fogeysay Sharif Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Dowladda Federalka Ethiopia uga wakiilka ah dalka Somalia, Ambassador Wondimu Asammew, ayaa sheegay inay Dowladiisa dhexdhexaad ka tahay arrimaha Siyaasadda Somalia, isla markaana aysan wax faragelin ah ku haynin Siyassadda Somalia.

Danjiraha ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo siiyey idaacadda Dalsan Radio ee Muqdisho, ayaa beeniyey inay dowladdiisa si gaar ah ula jirto qeybo kamid ah dhinacyada Soomaalida.

Ambassador Wondimu Asammew waxa uu Wareysigiisa faahfaahin kaga bixiyey hadallada ay dadka qaarkood ku sheegaan inay Ethiopia wadato Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo shalay laga soo ceyriyey magaalada Baydhaba.

Waxaana carrabka ku adkeeyey inaysan arrintaasi waxba ka jirin, oo uu warkaasi yahay mid aan sal iyo raad lahayn, aysanna jirin wax gaar ah oo Ethiopia kala dhaxeeya Shariif Xasa.

Ciidamada Ethiopia, ayaa ahaa kuwii garoonka diyaaradaha Baydhaba ka kaxeeyey Shariif Xasan, kadib markii ay halkaas ku xanibeen dad taageerayaal ah oo u carreysnaa.

“Waxaan Somalia u nimid si aan Dowladda Federalka gacan uga siino Nabadda iyo Dib-u-dhiska, mana rabno inaan ka dhex shaqeyno Soomaalida” ayuu yiri Ambassador Wondimu Asammew oo intaasi ku daray inaysan marnaba faragelin doonin Arrimaha Siyaasadda ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com