Xaabsade oo weeraray madaxweynaha cusub ee maamulka saddexda gobol

Baydhab0 (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah dadka taageersan maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha u yahay Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa weerar ku qaaday madaxweynaha cusub ee maanta lagu doortay.

Xaabsade ayaa ku tilmaamay wixii ka dhacay Baydhabo maanta in ay ahaayeen nin “Idaacadda uun ka hadlay ee wax doorasho la dhaho aaney jirin”

Wuxuu sheegay ninka la doortay in uu keenay meesha oo uu watay Shariif Sheekh Axmed balse labadoodaba ay isla fashilmeen sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Baydhabo uu ka jirro maamul lix gobal oo ay doorteen shacabka isla markaana siyaasiyiinta iyo wax garadka ay taageersan yihiin.

Xaabsade ayaa sidoo kale sheegay in ninkii watay shirka Baydhabo ee lagu dhisaayo maamulka seddaxda gobal in la ceyriyay oo dadka ay ku kaceen.

Xaabsade oo la hadlaayay VOA-da ayaa la weydiiyay mustaqbalka Baydhabo maadama labo maamul ay ka dhisan yihiin, wuxuu mustaqbalka Baydhabo in uu fiican yahay wax walwal ahna aaney jirin, isla markaana maamul lix gobal uu ka dhisan yahay sidda uu yiri.

Hadlaka xildhibaan Xaabsade ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta magaalada Baydhabo lagu doortay madaxweynaha maamulka seddax gobal.

Dhowr toddobaad ka hor ayaa isla magaaladaas madaxweyne loogu doortay Madobe Nunow.

Maammulka Madobe Nunow ayaa sheegay inay hoos yimaadaan lix gobol, oo ay ka mid yihiin saddex hoos tago maammulka KMG ee Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com