Madaxweynaha cusub: Dowladda ayaa og maamulka 3-gobal oo raali ka ah

Baydhabo (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka cusub ee seddax gobal koonfur galbeed, Maxamad Xaaji Cabdinur Madeer ayaa sheegay in maamulkiisa ay taageersan tahay dowladda Soomaaliya.

Isagoo la hadlaayay caawa BBC-da ayuu sheegay in maamulka seddaxda gobal uu yahay mid waafaqsan dastuurka dalka dowladda iyo beesha caalamka ay taageersan yihiin sidda uu yiri.

Waxa la weydiiyay Baydhabo maamul kale oo lix gobal uu ka jiray, wuxuu sheegay in wax maamul kale aaney ka jirin koonfur galbeed.

Mar la weydiiyay wax yaabaha uu mudnaanta siin doono maamulkiisa, wuxuu sheegay in maamulkiisa uu mudnaanta siin doono ammaanka, dib u dhiska iyo horrumarinta adeegyada aasaasiga ah.

Madaxweynaha cusub ayaa siddoo kale hoosta ka xariiqay in maalmaha soo socda uu soo dhammeestiri doono maamulkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in maamulkiisa uu daris wanaag iyo is xushmeen uu kula dhaqmi doono maamulada kale ee ka dhisan dalka.

Si kastaba,magaalada Baydhabo waxaa ka jirta khalalaaso siyaasadeed taasoo daba socota shirar iska soo horjeeda oo maalmahan ka socday magaalada iyo dibadbaxyo rabshado wata.

Dowladda Soomaaliya ayaa horrey si cad ah ugu sheegtay in aaney aqoonsan doonin maamulada looga dhawaaqayo Baydhabo, sababtuna waxa ay ku sheegtay in ay yihiin kuwa baal maray dastuurka iyo rabitaanka dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com