Qorshaha KENYA oo laga qeyliyey !!!

Nairobi (Caasimada Online) – Amarka la soo cusbooneeysiiyay ee sida xoogga ah qaxootiga ku nool magaalooyinka loogu rarayo xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma waxa uu jabinayaa amar ka soo baxay Maxkamadda Sare, kaas oo lagu go’aamiyay in dib-u-celinta khasabka ahi uu ku xadgubayo xuquuqda iyo sharafka qaxootiga, sidaana waxa Arbacadii (26-kii March) sheegay hay’adda Humar Rights Watch (HRW).

Maxkamadda sare waxay diidday tallaabo tan la mida oo ay qaaday xukuumadda Kenya 26-iii July, 2012-iii, iyada oo soo saartay in xukuumaddu ku fashilantay in ay si dhab ah u caddeeyso sida ay saaritaanka qaxootiga ay ugu jirto danta ammaanka qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Wasirka Arrimaha Gudaha Joseph ole Lenku ayaa Talaadadii ugu baaqay dhammaan qaxootig ku nool magaalooyinka Kenya in ay u guuraan xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma iyada oo qaxootiga ku sii hara magaalooyinka ay tahay in lagu soo wargaliyo ciidanka bilayska.

“Kenaya waxa ay mar kale u isticmaalaysaa weerarrada ay gaysanayaan mujrimiinta aan la garaneeyn in ay ugu shaabadeeyso dhammaan qaxootigu in ay yihiin argagixiso,” ayuu yiri Garry Simpson oo ah baare sare oo ka tirsan HRW. “Qorshahan tobanaanka kun ee qaxootiga ah sida khasabka ah loogu rarayo xerooyinka ay ka jiraan xaaladaha ba’an sida weynna u buux-dhaafay waxa uu ka dhigan yahay jabin cad oo lagu sameeynayo amarka ay maxkamaddu ku mamnuucday tallaabadan kale.”

“Qorshaha cusub waxa uu khatar u yahay in go’aanka Maxkamadda Sare la yaso iyo in la xaddido xuquuqda asaasiga ah ee qaxootiga.” ayuu yiri Simpson. “Deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee Kenya iyo [Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay] waa in ay Kenya ku dhiirri-galiyaan in ay joojiso qorshahan.”

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com