Siyaasiyiin HAWIYE ah oo ka jawaabay aflgaadadii Faarax Macallin + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Isbahaysiga Nabadda Soomaaliyeed, C/llaahi Sheekh Xasan Cali ayaa si kulul u naqdiyey hadal qadaf ahaa oo uu Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamaanka dalka Kenya, Faarax Macaallin Dawaare ku aflaagaadeeyey beesha Hawiye.

C/llaahi Sheekh Xasan oo xalay u waramay Barnaamijka Wareegga Wararka ee 24-ka saacadood ee Idaacadda Dalsan Radio, ayaa ku tilmaamay Faarax Macallin nin dhunsan oo Qowmiyad dhan ku xad-gudbay, wuxuuna ugu baaqay maadaama uu Kenyaati yahay inuu ku mashquulo danaha Kenyaatiga.

“Ma jecli inaan u jawaabo Faarax Macallin, haddana waa aflagaado ka soo baxday nin dhunsan oo dhalasho kale haysta” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo xusuusiyey Farax Macallim inuusan ku mashquulin Qowmiyadaha Soomaalida, maadaama uu isagu Kenyaati yahay.

C/llaahi Sheekh Xasan, waxa kale oo Faarax Macallin kula taliyey inuu ka hadlo Falkii ay Kuukuuyada u geysteen awoowayaashii iyo Ehelladiisa nolosha lagu gubay 80-maadkii iyo Xasuuqii Wargalo.

Dhinaca kale, Siyaasi C/llaahi Sheekh Xasan waxa uu Wareysigiisa ku xusay inuusan Faarax Macallim xaalladiisa caadi ahayn tan iyo markii laga qaaday Xilka Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka iyo Kursigii Xildhibaanimo.

“Faarax Macallim waxa uu ku saaqiday Siyaasadda, markii uu Guddoomiye ku xigeenimadda iyo Kursigii Barlamaanka waayey waxa uu noqday qof aan caadil ahayn” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Muuqaal dhawaan la soo dhigay YouTube-ka ayuu waxa uu Faarax ku sheegay inay Beelaha Hawiye yihiin dad aan Dowladnimadda aqoonin, isla markaana dhaqaale-doon ah, waa sida uu hadalka u yiri.

Siyaasigaas Reer Kenya waxa kaloo uu ku xad-gudbay Danjiraha Somalia u jooga dalka Kenya, Ambassador Maxamed Cali Amerika oo uu ku tilmaamay inuu basaas u yahay dowladda Ethiopia.

Halkan ka daawo Faarax iyo aflagaadadiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com